ma is aroosnaa

indhahayga aragtidaada
aadbay ugu farxaayaane
adoo kale aadmigaba
kumaan aragee
ubax caro ka baxay iyo
xidadiisu qalbiga
kasoo baxay ayaad tahee
axdi meel ma dhiganaa
macaan mays aroosnaa

hablaheena kolkaan eego
aado ugu ilwaad quruxey
afkeygu amaantaada
gacaloy u fududaayee
inkastoo adduunyadu
ay tahay ayaan qudha
adaan kaa ishaartee
axdi meel ma dhiganaa
macaan mays aroosnaa

faadumo ali najiib

heestii faadumo ee fanaankii ali najiib
caku feexda naagaha
faligiyo daruuriga
filanwaysadoodani
ma fartuun magoolaa
falanaa allahayow
laba isfiirsaneyso
kuwa kale finiinshoo
ka faaiideysanaayoo
waxay ula fadhinayaan
faraska ugu joogaan
inay kala fartuumaan
kala faatixeystaan.
fahmiwaaye aniguye
ha iska farandulaysee
falayee jacaylkeen
ma ka farxashaa.
horta yaanan fududaaan
fartu soo ma ay qorin
fariin beena inay tahay
faadumo aan u diro taar.

Continue reading

adigaa degey qalbigaa wadanaha dacalkiisee

waa hees aad u macaan badan alla maxey macaan badantahay oo inantii la iraahdaba ay markiiba cambo ka bislaaaaan igula raaxeysta

dunida adan kaa rabaa
daayin intuu abuuray

dookhaygaa ku raacooo
ku dalbaday
deeqday maankayga
Continue reading

Ibrahim Baadil iyo Faaduma Duur

waa hees talantaali ah oo ay is weedaarsanayaan ibraahim baadil iyo faaduma duur

Ibrahim Baadil

Kal gacalyka geeskaaga abaayo
adna yaanu ku gees marine abaayo
giijiyoo hasii deynin abaayo

Faaduma Duur

Kalgacaylkii guumoowyee aboowe
igu noqey maguuraane aboowe
gal galsho hurdadii nacaye aboowe
Continue reading

abdinuur salaad (aduunyadu wareeriyo)

waa hees qoraal ah uu qaadey abdinuur salaad waa heestii aduunyadu wareeriyoo wel wel ka bogasho wacan

adduunyadu wareeriyo
wel wel iyo dhibaatiyo
alla waayo badanaayeey
warankii jacaylkaa
igu waabariistoo
wadnahayga kala jarayeey
wadka waad u samirtaa
Continue reading

Abdi tahlil-war dheer

(Abdi tahlil-war dheer)
wagerey adduunyada
jacayl wabax ma noqonine
waglo uga ma jeede
wiilal dhalay la siistaay
waftigii haweeneey
Continue reading

howlahaagii cabditahliil warsame

waa hees qoraal ah ka bogasho wacan waxaan ku luuqeeyey fanaankii caanka ahaa ee cabditahliil warsame

hawlahaagii habeenadan
huqdoodaan la taahaa
hurgumadii jacaylkey
i haleeloo heegada isaaree
halbawlaha wadnaha iyo
halistii wareentee
Continue reading